Mucaaradka Somaliland oo diiday hishiiska sahanka Shidaalka [Dhagayso]

Image

06 September, 2015(GO)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee Sooaliland Faysal Cali Waraabe ayaa afduub sharci darro ah ku tilmaamey heshiis DFS la gashay shirkad sahmin doonta Shidaalka ku jira Somalia.

Faysal waxaa uu dhaliil u soo jeediyay Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isul wasaaraha oo sheegay inay danaha Somalia lumineyaan oo ay gacanta u galinayso dad shisheeye ah oo doonaya sida uu tilmaamey inay si sahal ah ku helaan kheyradka dalka Somalia.

“Nimankan waxaa u daran uun lacagta ay qaadanayaan laakin ma eegayaan danta ummadda Somaliyeed, waa la wada leeyahay khayraadka oo waxay ka dhaxaysaa Shanta Somalida waaxaana arinta u arka mid xun oo ah Khiyaano Qaran" ayuu yiri Waraabe.

Guddoomiyaha Ucid ayaa tilmaamey inaysan aqbali doonin heshiiska lala galay shirkadda, waxaana arintan uu xusay inay hortaallo Barlamanka Somalia

"Anagu waxaan u aragnaa inay tahay wax aan suurtagal ahayn, waxayna shidaal ka qodan karaan gobolka Banaadir, ree Garowe ogolaan maayaan Somaliland warkeed daa danna kama lahin"Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Faysal Cali Waraabe

Qorshaha baarista shidaalka Somalia ayaa si dhaqso ah ku billaabanaya sida lugu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Macdanta iyo Badroolka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM