Fekradaha u jaran-jeera Al-Shabaab oo dib uga curtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaliya – Xilli waqtiga doorashooyinka 2020-21 soo dhowaadeen lagana cabsi qabo in Islaamiyiinta ay saameyn ku yeeshaan, fekraha u jaranjeera dhanka Al-Shabaab ayaa muuqaneysa in ay dib uga curteen Muqdisho.
October, 11, 2020, Xuseen Cali Cilmi, oo sheegtay in uu yahay gudoomiyaha Xisbiga Taageereyaasha Mahdiga ayaa wareysi uu siiyey Radio Kulmiye wuxuu ku tibaaxay in uu heshiisiinayo dowlada iyo maleyshiyaadka.

Cilmi oo xisbigiisa uusan diiwaan-gelin rasmi ah ka haysan Guddiga Doorashooyinka Qaran ayaa weerar afka ah ku qaadey Mareykanka, isagoo tilmaamay in uu xiriir toos ah la sameeyay xoogaga hubeysan.
Madaxweyne Farmaajo, waaxda arrimaha dibadda Mareykanka iyo Dowladda Turkiga ayuu wariyey in ay u direen warqad ay kaga codsanayaan "in lasoo gabagabeeyo dagaalka, lana heshiisiiyo si guud Muslimiinta".

Balse wuxuu ku guuldareystay in uu soo bandhigo caddeymo xoojinaya sheegashooyinkiisa. Si lamid ah, wuxuu ku haftay in uu si toos ah uga jawaabo su'aallo ay kamid yihiin in ay la safan yihiin kooxda argagixisada.

Lama ogga goobta uu ku sugan yahay shaqsigan oo codkiisa si faseex ah loo baahiyey, hay'adda wareysatayna lama wadaagin dadweynaha.

Isla bishan October, 15-keeda, Abuukar Cumar Cadaani, ganacsade caan ka ah Muqdisho iyo mid kamid ah Aas-Aasayaashii Midowgii Maxakiimta isla markaana 2006-kii ka ahaa Madaxa Maaliyada, ayaa taageeray Al-Shabaab.

Cadaani oo u waramay barnaamijka caweysnimo ee Xog-Wareysi kana baxa isla Raadiya Kulmiye wuxuu si aan leex-leexad lahayn ugu sacabo tumay fekerka xulafada Al-Shabaab iyo beegsigooda ciidamada shisheeye.

Ciidamadda sirdoonka Soomaaliya ayaa maalin kadib xiray Cadaani. Warar soo baxaya waxay sheegayaan in dib laga sii daayey ganacsadahaan.
Cabdullaahi Cadow Kulmiye, wariyihii wareystay ganacsadaha, ayay ciidamadda NISA kala baxeen gurigiisa habeen saq dhexe 17-kii October, 2020.

Dowladda Soomaaliya ayaan wali fahfaahin ka bixin xariga shaqsiyaadkan iyaddoo ay xusid mudan tahay in aysan soo hadal-qaadin Xuseen Cali Cilmi.
Arrimahan ayaa imaanaya xilli Muqdisho uu xabsi guri ku yahay Xasan Daahir Aweys, mid kamida aas-aasayaashii Midowgii Maxaakiimta, Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab kaasoo si maalinle ah baraha bulshada ugu taageera xagjirnimada.

Aweys ayaa gacansaar fiican wuxuu kala dhaxeeyaa Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha sirdoonka Soomaaliya iyo wariyihii hore ee Al Jazeera Carabiya kaasoo waayahiisa saxaafada looga bartay la kulanka hogaanka ururada argagixisadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM