"Fidno laga dhex-abuuray" dadka HirShabelle iyo Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda muddo xileedkoodu sii dhamaanayo ee Soomaaliya waxay fidno ka dhex-abuureen dadkii is-ogolaa ee Jubaland iyo HirShabelle si damacooda u fuliyaan, sidda uu daaha ka rogay siyaasi xog ogaal ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa eedeyntan wuxuu jeediyey xilli Jimcada maanta ah uu banaanbax rabshado wata iyo iska hor-imaad uu ka dhacay Beledwayne.

Saddex qof oo uu ku jiro ruux shacab ah ayaa ku dhaawacmay iska hor-imaadka oo u dhaxeeyay ciidamada booliska xarunta gobolka Hiiraan iyo dad kasoo horjeeda safar uu halkaas ku tago hogaamiyaha HirShabelle.

Dadweynaha oo sheegay in Cali Guudlaawe uusan ku imaan rabitaan shacab ayaa tilmaamay in doorashadiisa ay baalmarsan tahay hanaanka awood-qeybsiga iyagoo ka digay in maquunin ay dhabaha u xaari karto dagaal.

Warsame oo kamid ah murashaxiinta u taagan xilka Soomaaliya doorashooyinka 2020-21 ayaa ku baaqay in si mas'uuliyad leh loo maareeyo xiisada.

"Waxaan horay ugu baaqnay in dib u heshiisiin laga hormariyo doorashooyinka Hir-Shabeelle, laakiin hoggaanka Dowladda Federaalka dhagaha ayuu taladaas ka fureystay," ayuu kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Wuxuu ku daray: "Kacdoonka shacabka ee Hiiraan ka taagan waa natiijadii ka dhalatay dib u heshiisiintii la iska indhatiray. Waxey kaloo tusaale horu dhac ah u tahay mugdiga kusoo wajahan dalkeenna".

"Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa maamulka, siyaasiyiinta iyo waxgararka Hir-Shabeelle in aan dhamaanteen si masuuliyad leh isaga xil saarno xal u helidda mushkiladda Gobolka Hiiraan ka taagan, lagana fogaado ficil kasta oo dabka bansiin ku shubaya," ayuu soo jeediyey Warsame.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa tibaaxay: "Hoggaanka dawlada Federaalka wuxuu fidno ka dhex abuurtay dadkii is ogolaa ee wada noolaa ee maamullada Jubbaland iyo Hir-Shabeelle, dalka intiisa kalana doorasho boob ah ayey doonayaan in ay ka sameyaan".

"Shacabka Soomaaliyeed waa in uu meel uga soo wada jeestaa sidii looga hortegi lahaa fidnada maamulka muddada yar u hartay ee Madaxweyne Farmaajo," ayuu hadalkisa kusoo gabagabeeyay Cabdiraxmaan.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa ay uga hartay in ka badan 60 casho kuna eg-yahay 8-da Febraayo ayaa u han-qal-taagaya soo laabasho, hasa ahaatee, qorshihiisa difaacashadda kursigiisa wuxuu wajahayaa diidmo aad u xoogan.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM

Jubaland: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu Khatar Gelinayaa Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya

Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah inay si dhab ah u taageeraan shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:32AM