Fiqi oo eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe

Image

Balad Xaawo, Soomaaliya – Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada daacadda u ah Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (XDS) ay ku leeyihiin deegaanka Tuulo Aamin ee duleedka garoonka diyaaradaha Balad Xaawo, taasoo keentay dagaal culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in laba askari oo ka tirsan XDS lagu dilay dagaalkaasi — waxaana magacyadooda lagu sheegay Maxamed Xasan Guutaale iyo Dable Cali Muxumed Gooni. Sidoo kale, saddex askari oo kale ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo haatan lagu daweynayo xarumo caafimaad.

Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in ciidamada dowladda ay la wareegeen xeradii ciidanka Jubbaland ee ku taallay deegaanka la weeraray, islamarkaana ay hadda si buuxda ugu howlan yihiin xaqiijinta amniga, xasilinta deegaanka, iyo ilaalinta shacabka gobolka Gedo.

Wasaaraddu waxay ku eedeysay Madaxweynaha Jubbaland inuu “hurinayo colaad” ka taagan gobolka Gedo islamarkaana uu marin habaabinayo ciidamadiisa. Waxay ugu baaqday ciidamada Jubbaland inay isa soo dhiibaan.

Dhinaca kale, ilo amni oo badan ayaa xaqiijiyay in dagaalka lagu dilay Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland ee gobolka Gedo, Colonel Xuseen Giif. Wasiirka Amniga Gudaha ee Jubbaland ayaa xaqiijiyay geerida taliyaha, isagoo cambaareeyay dilkiisa, islamarkaana ku eedeeyay ciidamada dowladda federaalka. Waxa uu ugu baaqay in cadaalad la helo.

Dagaalkan ayaa muujinaya sii xumaanshaha khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland oo muddooyinkii dambe isku haya gacan ku haynta gobolka istiraatiijiga ah ee Gedo, oo ku yaalla xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM