Fiqi oo Sheegay Guulo Laga Gaaray Dagaalka Al-Shabaab kadib weerarkii Godka Jilicow
Muqdisho — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dalka uu horumar la taaban karo ka sameeyay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isagoo xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ay ka go’an tahay in ay la wareegaan deegaannada wali ku jira gacanta argagixisada.
Fiqi oo warbixin siiyay Golaha Wasiirrada ayaa ammaanay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay muujiyeen "anshax iyo dhiiranaan sare" intii lagu guda jiray howlgalada militari. Waxa uu sidoo kale xusay in iskaashi wanaagsan lala yeeshay saaxiibada caalamiga ah si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida.
“Howlgalladii ugu dambeeyay waxay carqaladeeyeen shabakadaha Al-Shabaab, waxayna dowladdu la wareegtay gacan ku haynta deegaano cusub oo laga xoreeyay kooxda,” ayuu yiri Fiqi.
Si kastaba, wasiirka ayaa qiray in ciidamada ay waayeen gacan ku haynta magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Moqokori, Ceel Lahelay (Aadan Yabaal), iyo Mahas — arrin dhalisay dhaleeceyn iyo walaac ku saabsan awoodda dowladda ee la dagaalanka Al-Shabaab oo weeraro culus dib u bilaabay.
Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada saaxiibada caalamiga ah, oo ay hormuud u yihiin Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kuwaasoo door muhiim ah ka ciyaara dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
Inkasta oo Wasiir Fiqi uu sawiray sawir rajo leh, haddana mucaaradka siyaasadeed ayaa hakiyay dibadbax ay qorsheynayeen, iyagoo sheegay in Al-Shabaab ay ka faa'iideysan karto ammaanka jilicsan ee Muqdisho si ay u fuliyaan weeraro.
Todobaadkii hore, dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa si xoog ah u galay xabsiga Godka Jilacow, oo ah xarun ay adeegsato Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) si loogu hayo dambiyadayaasha halista ah. Weerarkaasi ayaa dhaliyay walaac weyn oo gudaha iyo dibaddaba ah.
Hoggaamiyaha mucaaradka, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in: “Waxaan isla garanay in la dhiso hannaan amni iyo isudubarid si loo xaqiijiyo in dadku si nabad ah u dibadbaxaan. Dowladda waa in ay dhowrtaa xuquuqda muwaadiniinta ee dibadbaxa.”
Kooxaha mucaaradka ayaa sheegay in dibadbaxa uu diiradda saarayo cambaareynta barakicinta dadka rayidka ah ee laga raray dhulal ay dowladdu leedahay, iyo sidoo kale inay diidan yihiin qorshaha siyaasadeed iyo doorasho ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu eedeeyay in dowladdiisu ku kacday dhul boob.
GAROWE ONLINE