Fiqi oo u hanjabay danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay magaaladda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in qaar ka mid ah diblumaasiyiinta caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya ay ku xad gudbeen madax banaanida iyo midnimada dalka.

Sidda laga soo xigtay Fiqi, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxay qorsheyneysaa in ay u yeerto mid mid kamid ah safiiradan kaasoo si weyn ugu tuntay qaranimada waddanka.

Fiqi oo ka hadlayay munaasabad ka dhacdey xarunta wasaaradda taasoo ay ku qalin-jabiyeen diblumaasiyiin ayaa carabaabay in safiiradii dhowaan boqodey magaalada Hargeysa ay sameeyeen xadgudubkaas ayna talaabo ka qaadi doonan.

Wasiirka ayaa waxa uusan shaaca ka qaadin magaca safiirkan iyo waddanka uu ku matalo Soomaaliya, balse sheegey in loo yeerey inuu dalka soo galo. 

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Fiqi ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dhamaan diblumaasiyiintii tagay Hargeysa ay qariyeen in ay dalalkooda ku matalaan Soomaaliya ayna taasi tahay wax aan la aqbali karin.

"Waxaan kaloo uga digaynaa dhamaan diblumaasiyiinta in war-saxaafadeedyada ay soo saari doonan mustaqbalka ay Somaliland ku caddeeyaan in ay tahay gobol kamid ah Soomaaliya haddii aysan sidaas sameynin talaabooyin la kulmi doonan," ayuu caddeeyay.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo dhowaan danjireyaal tahay Hargeysa si ay u kormeeraan doorashadda madaxtinimada Somaliland ay ka gaabsadeen sheegida magaca Soomaaliya taasoo ay muuqato in dowladda fderaalka ka carootey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM