Fiqi oo u hanjabay danjireyaasha dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay magaaladda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka, Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in qaar ka mid ah diblumaasiyiinta caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya ay ku xad gudbeen madax banaanida iyo midnimada dalka.

Sidda laga soo xigtay Fiqi, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxay qorsheyneysaa in ay u yeerto mid mid kamid ah safiiradan kaasoo si weyn ugu tuntay qaranimada waddanka.

Fiqi oo ka hadlayay munaasabad ka dhacdey xarunta wasaaradda taasoo ay ku qalin-jabiyeen diblumaasiyiin ayaa carabaabay in safiiradii dhowaan boqodey magaalada Hargeysa ay sameeyeen xadgudubkaas ayna talaabo ka qaadi doonan.

Wasiirka ayaa waxa uusan shaaca ka qaadin magaca safiirkan iyo waddanka uu ku matalo Soomaaliya, balse sheegey in loo yeerey inuu dalka soo galo. 

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Fiqi ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in dhamaan diblumaasiyiintii tagay Hargeysa ay qariyeen in ay dalalkooda ku matalaan Soomaaliya ayna taasi tahay wax aan la aqbali karin.

"Waxaan kaloo uga digaynaa dhamaan diblumaasiyiinta in war-saxaafadeedyada ay soo saari doonan mustaqbalka ay Somaliland ku caddeeyaan in ay tahay gobol kamid ah Soomaaliya haddii aysan sidaas sameynin talaabooyin la kulmi doonan," ayuu caddeeyay.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo dhowaan danjireyaal tahay Hargeysa si ay u kormeeraan doorashadda madaxtinimada Somaliland ay ka gaabsadeen sheegida magaca Soomaaliya taasoo ay muuqato in dowladda fderaalka ka carootey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Booqashada Xamse ee Laascanood waa "Weerar" Ka Dhan ah Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Somaliland ayaa si joogto ah uga digaya in Soomaaliya ay si toos ah u faragelisay arrimaha gudaha ee Somaliland.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 09:24AM

Ciidamada Puntland oo Howlgallo Waaweyn kawada Buuraha Calmiskaad

Puntland ayaa muddo dheer ku guulaysatay inay ka hortagto kooxda ISIS iyo kuwa Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 08:59AM