Fiqi oo u sacabo-tumay banaanbaxa Midowga Musharaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi, ayaa taageero u muujiyey banaanbaxa Midowga Musharaxiinta u muddeeyeen maalinta Jimcaha in ay ku qabanayaan fagaaraha Daljirka Daahsoon ee magaaladda Muqdisho.

Fiqi oo Talaadada maanta ah qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa daaha ka rogay in musharaxiinta xaq u leeyihiin ay abaabulaan isu-soo-bax.

"Musharixiinta madaxtinimada dalku maalin kasta waa banaan baxaan, maxaa ku jaban in xeerada la weyneeyo oo taageerayashooduna ay kala soo qeybgalaan ayagoo si amni ah ku qabsanaya?!.!," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Sidoo kale waxaa banaan-baxyo aan tiro lahayn qabsada madaxweynaha iyo taageerayaashiisa ayadoo halkudhigyo, fanaanado sawiradiisu ay ku daabacan yihiin xiran, calanka dalka iyo kan Gobolka Banaadirna ay Daljirka Dahsoon ku xardhan yihiin?!".

"Intaas waxaa sii dheer in dastuurka dalku uu fasaxayo in banaanbaxyo nabadgalyo ah muwaadiniintu ay qabsan karaan!," ayuu tibaaxay.

Isaga oo sii hadlaya ayuu xusay: "Maalin walba ciid maahan, madaxtooyaduna meel lagu sii waarayo ma ahan sida cid walbaba ay ogsoon tahay, berito Marka banaanka la tago xuquuqda maanta aad diido adna ma helaysid, Marka inta ay le’eg tahay xorriyadda iyo xuquuqda muwaadinka ee aad bixiso maantay ayaa noqonaya keydka aad akoonkaada gashato, musharixiinta maantay dalbanaya banaanbaxana berito waxaa u taalla in aysan isku dayin diidmo xuquuqda ay u bukaan waqtigan la joogo ama ay dalbanayaan".

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Dabacsanaantaada maantay waa Keydkaada berito".

Isu-soo-baxa ayaa lagu dalbanayaan in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xafiiska baneeyo dalkana u dareeriyo doorashooyin la isla ogol-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM