Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Axmed Maclin Fiqi, ayaa khudbadii uu ka jeediyay munaasabad uu ku wareejinayay xilka wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in Soomaaliya u mamnuucday Baasaboorka Taiwan booqasho wasiirka arrimaha dibadda Jaziiradda ku imaan lahaa Somaliland, uu u xoojiyo qorshaha gooni-u-goosadka gobolka.

Fiqi wuxuu kaloo sheegay in Taiwan ay halis ku ahayd midnimada dalka, isagoo ku eedeeyay inay tababartay Ciidamo katirsan militeriga Somaliland oo ka qeyb-qaatey dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, kuwaasoo shacab badan lagu dilay 2023.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Fiqi ayaa beeniyay in Shiinaha uu ku cadaadiyay dowladda Soomaaliya go'aanka mamnuucista baasaboorka Taiwan, isagoo ku dooday in cid walka oo khatar ku ah madax-banaanida iyo midnimada si isku mid ah ula dagaalamayaan.

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadda, oo wadanka loo gacan geliyay dalal dano gaar ah ka leh, sida Turkiga, Masar iyo kuwa kale, oo madaxda sare xiriir dhaw la leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa u saxiixday Turkiga sanadkii hore heshiiska shidaal oo ku helayso 90% dhaqaalaha laga helo Gaaska iyo Saliida laga soo saarayo xeebaha dalka, iyadoo taasi shacabka aad uga hor-yimaadeen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM