Gaadiid rayid oo lagu qafaashay gobolka Hiiraan

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Laba gaari rakaab ah ayna la socdeen dhowr qof oo shacab ah ayaa lagu waramay in lagu qafaashay degaanka Ceel-gaal ee duleedka magaaladda gobolka Hiiraan ee Beledwayne.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa afduubka. Balse, waxaa loo maleynayaa in ay la xiriirto aargoosi maadaama horaantii bishaan gaadiid shacab la socdeen madax furasho lagu sii daayey.

Baabuurtaas madax furashadda laga dhiibay ayaa la sheegay in ay maleyshiyo hubeysan ku qafaasheen magaalada Matabaan.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan afduubkan oo illaa haatan kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo kan gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, ciidamadda dowladda iyo maleyshiyada Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay xalay ku dagaalameen duleedka magaaladda Matabaan. Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka xoogan.

Dadka degaanka ayaa soo wariyey in ay maqleen dhawaqa rasaas culus oo dhinacyadda is-weedaarsadeen balse aysan hubin waxyeeladda labada dhinac – oo dhankooda wali warbixin ka soo saarin dagaalka.

HirSabelle oo ay kusoo wajahan yihiin doorashooyinka xubnaha labadda aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa u muuqaneysa mid wajaheysa qalalaase dhanka ammaanka taas oo dhaawaci karta amniga codeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM