Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, saddex kalana waxaa soo gaarey dhaawac ka gedaal markii Arbacada maanta ah qarax uu ka dhacay degmada Karaan ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari dadweynaha ka wacyigelinaayey safmareenka Coronavirus, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo illo dhanka amniga ah.

"Gaariga markii la beegsanayey wuxuu marayey xaafadda Qoob-dooro. Qofka dhintay wuxuu ahaa darawalka, halka dhaawacyada ay yihiin askari ilaalineysay," ayuu yiri goobjooge u waramay Garowe Online.

Maamulka degmadda Kaaraan oo tegay goobta ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in ay qaraxa miinada ay ahayd nooca boodda isla markaana ay baaritaan ku sameynayaan cidda ka dambeysay.

Laamaha ammaanka oo tagay meesha ay wax ka dhaceen ayaa sameeyay baaritaano aan la ogeyn haddii ay ku guuleysteen in ay gacanta kusoo dhigaan shaqsiyaadkii maleegay weerarkaas qaraxa ahaa.

"Waxaan tacsi direynaa darawalka qabanaayey shaqadan muhiimka u ah. Askarta dhaawacantay waxaan u rajeynaynaa soo kabasho deg-deg ah," ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay maamulka degmada.

Al-Shabaab oo looga bartay weerarada noocaan ah ayaan wali wax war ah kasoo saarin. Beegsiga gaariga wacyigelinta Covid-19 wuxuu waxyeeleyn karaa ololaha wacyi-gelinta ka hortaga fayruskaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM