Gaari qarax lagu soo xiray kuna soo wajahnaa Muqdisho oo la qabtay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in uu degaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay gaari qarax siday iyo dagaalameyaal Al-Shabaab ah oo wadday.

Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, taliye ka tirsan kumaandooska Danab oo howlgalka sameeyay, ayaa xusay in gaariaas uu kusoo wajahnaa magaala madaxda Muqdisho, wallow uusan bixin tafaasiil.

Sidda laga soo xigtay Mr Maalin, gaariga iyo xubnaha wadday ayaa gacanta lagu soo dhigay kadib howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamada, wallow uusan shaaca ka dhigin tirada maleyshiyadda.

"Waxaan u hambaleynayaa ciidamadii sameeyay howlgalkaan, waxaana ay badbaadiyeen nolol badan oo argagixisada ku talogashay in ay disho," ayay warbaahinta ciidanka xoogga kasoo xigatay.

Marka lago tago sheegashada, ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya. Sidoo kale, xoogaga hubeysan ee gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida ee Al-Shabaab wali kama falcelin warka.

Bishaan August 16-keeda ayay ahayd markii ciidanka Danab oo dib ula wareegay degaanka Kuntuwaarey ay burburiyeen beer ay ka dhawaajiyeen in Al-Shabaab ay ku beeri jirtay maandooriyaha Xashiishka.

"Ciidanka kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan saakay ka fuliyeen Degmada dhawaan Argagixisada laga xureeyey ee Kuntuwaarey ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay Gacanta ku dhigeen Beer aad u weyn oo Argagixisadu ku beeratay Xashiish ay u soo dhoofin jireen Magaalada Muqdisho," ayuu taliskan uu meelmariyo Mareykanka ku yiri qoraal.

Degaanka Gandarshe oo ku dhow magaalada madaxda gobolka Shabeellaha Hoose ee Marka ayaa caasimadda Muqdisho u jira qiyaastii 54 KM.

Fashilinta qaraxaan ayaa kusoo hagaageysa xilli caasimadda ay afar weerar oo laba kamid ah ay ahaayeen is-miidaamin ay ka dhaceen saddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay, taasoo galaafatay nolosha badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM