Gaas oo ka warbixiyey booqashadii uu ku tegey Italy, Kenya iy UAE

Image
Image
Image
Image

May 16, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, kadib safar muddo labo todobaad ah qaatey oo uu ku tegey dalalka Kenya, Imaaraadka Carabta iyo Talyaaniga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo boqollaal dadweyne ah, waxaana intaas kadib loo soo gudbiyey dhanka madaxtooyada.

Si kooban ayuu war-fidiyeenka ula hadlay, wuxuuna ka warbixiyey ujeedada booqashadii uu saddexdaas dal kusoo maray, isagoo xusay in uu madaxda wadamadaas kala soo hadlay sidii Puntland looga caawin lahaa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha gaar ahaan dekedaha iyo garoommada.

Dhanka kale, Gaas ayaa sheegay inuu magaalada Nairobi kulammo kula soo qaatey diblumaasiyiin ka tirsan Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah shirkadaha ka shaqeeya maalgashiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM