Gaas oo ka warbixiyey booqashadii uu ku tegey Italy, Kenya iy UAE

Image
Image
Image
Image

May 16, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, kadib safar muddo labo todobaad ah qaatey oo uu ku tegey dalalka Kenya, Imaaraadka Carabta iyo Talyaaniga.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo boqollaal dadweyne ah, waxaana intaas kadib loo soo gudbiyey dhanka madaxtooyada.

Si kooban ayuu war-fidiyeenka ula hadlay, wuxuuna ka warbixiyey ujeedada booqashadii uu saddexdaas dal kusoo maray, isagoo xusay in uu madaxda wadamadaas kala soo hadlay sidii Puntland looga caawin lahaa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha gaar ahaan dekedaha iyo garoommada.

Dhanka kale, Gaas ayaa sheegay inuu magaalada Nairobi kulammo kula soo qaatey diblumaasiyiin ka tirsan Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah shirkadaha ka shaqeeya maalgashiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM