​GALGADUUD: Ahlu Sunna oo la wareegtay Godinlabe

Image

GODINLABE, Somalia- Malleeshiyada Ahlu Sunna ayaa si buuxda ula wareegtay Maanta oo Arbaco ah gacan ku haynta deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud, kadib dagaal xooggan oo ay halkaasi kula galeen ciidamada taabacsan Galmudug.

Goobjooge ayaa GO u xaqijiyay in la wareegista Ahlu Sunna ee Godinlabe ka danbaysay markii weerar ay ciidamada Nabad Sugidda Galmudug ku qaadeen Malleeshiyaad Jidgooyo dhigtay deegaankaasi.

Kooxaha Isbaarada dhigatay iyo kuwa Ahlu Sunna oo wadajira ayaa la sheegay inay deegaanka Godinlabe ka saareen ciidamada maamulka Galmudug, kuwaasi oo dib ugu laabtay magaalada Cadaado.

Saraakiisha maamulka Ahlu Sunna, ayaa cadeeyay inay si buuxdo gacanta ugu hayaan Godonblabe, islamarkaana ay dagaalka ku qabteen Askar katirsan ciidamada Nabad Sugida Galmudug iyo Gaadiid dagaal.

Galmudug wali kama aysan hadlin dagaalka iyo la wareegista deegaanka Godinlabe, oo ku yaalla inta u dhaxayso magaalooyinka Dhuusamareeb, oo Ahlu Sunna maamusho iyo Cadaado oo xarun u ah Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM