Galmudug: Dagaal beelleedyo lagu dilay ku dhawaad 10 ruux

Image
Beellaha dagaalamaya ayaa ka soo kala jeedo degmooyinka Guriceel iyo Caawduwaaq ee gobolka Galgaduud.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ugu yaraan 8 ruux ayaa ku dhimatay, tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen dagaalo beelleed galinkii dambe ee shalay ka qarxay duleedka koonfureed ee degmada Balanbale gobolka Galgaduud sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta maamulka Galmudug.

Dagaal oo intii uu socday la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan Wararka ayaa dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed oo muddo isku hayey arrimo aano Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Beellaha dagaalamaya ayaa ka soo kala jeedo degmooyinka Guriceel iyo Caawduwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa sidoo kale isugu jiro dhinacyada dagaalamay iyo shacab ku sugnaa halka uu dagaalku ka dhacay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in inta uu dagaalka uu socday in ka badan 15 guri oo ay daganaayeen qoysas xoolo dhaqaqto ah, taas saameyn ku yeelatay deegaanka.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana is hor fadhiya maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay koonfurta degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Dagaal Beeleedyada ayaa ku soo noq-noqday deegaanada maamulka Galmudug, kuwaas oo geystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba mana jirto ilaa hada cid ku baxday dagaalka si loo kala qaado maleeshiyaadka dagaalamay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM