Galmudug iyo Ahlu Sunna oo Heshiis ku saxiixday Jabuuti

Image

JABUUTI - Hogaamiyaasha Galmudug iyo Ururka Ahlu Sunna ayaa maanta heshiis hordhac ah ku saxiixday dalka Jabuuti, oo tan iyo Todobaadii tagey uga socday Wadahadallo ay IGAD garwadeen ka tahay.

Heshiiskan oo aan walii si rasmi ah loo shaacin qodobadiisa, ayaa Mas'uuliyiin ku sugan madadasha lagu saxiixay uu sheegay Warsidaha Garowe Online in labada dhinac ay ku heshiiyeen qododobo ku salaysan awood-qeybsiga Galmudug.

Qodobada qalinka lagu duugay waxaa kamid ah in la mideeyo labada maamulka,magacana loo daayo Galmudug, in ciidamada la isku dhafo iyo in Baarlamaanka kuraas badan loogu daro Ahlu Sunna.

Madaxweyne Xaaf ayaa u saxiixay Heshiiska dhanka Galmudug, halka Sunna Sunna uu u saxiisay hogaamiyhooda Sheekh Maxamed Shaakir, oo u matalayay wadahadallada ka dhacay dalalka Kenya iyo Jabuuti.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa GO u xaqiijiyay in maalmaha soo socda ee Todobaadkan si rasmi ah ay u shaacin doonaan Galmudug iyo Ahlu Sunna heshiiska ay ku gaareen dalka Jabuuti, markii ay dib ugu soo laabtaan dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir imaanayaan magaalada Muqdisho, oo ay kula kulmi doonaan Madaxweyne Farmaajo, kahor inta aysan ku dhawaaqin heshiiskooda cusub, ee lagu soo afjaro khilaafka hareeyay Galmudug.

Urur diimeedka Ahlu Sunna ayaa gacanta ku haya magaalooyin badan oo ku yaalla Galgaduud, oo Dhuusa-mareeb kamid tahay, taasi oo dowladdii Xasan Sheekh u magacawday Caasimadda Galmudug insii uu socday Shirkii lasu unkay Galmudug.

Ahlu Sunna ayaa ku gor-gortamaysa awoodeeda iyo dhulka ay maamusho ee gobolka Galgaduud, waxayna dalbatay in tiro lamid ah Xildhibaanada hadda ku jira Baarlamaanka Galmudug in la siiyo iyo magdhaw lacageed khasaarihii kasoo gaaray dagaallada ay la gashay Al Shabaab. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM