​Galmudug oo cayrisay xubin kamid ah Guddiga doorashooyinka [Akhriso]

Image

CADADAO, Somalia- Maamulka Galmudug ayaa ka cayriyay Cadaado Madaxa Wakiillada Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada dalka, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ku kacay arrimo ka baxsan Shaqadiisa.

Galmudug ayaa sheegtay in Mas'uulkaasi uu sameeyay Iska-horimaad iyo qalalaaso ka dhex abuuray Bulshada iyo Beelaha ka qeybgalaya Doorashada Aqalka Hoose ee ka socoto magaalada Cadaado.

War Saxaafadeed uu ku saxiixan yahay Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuled ayaa looga dalbaday Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka inuu kala laabto xubintaas, kuna bedelo qof cusub.

Safiirka  Mareykanka ee Somalia ayaa dhawaan Doorashada Galmudug ku tilmaamay mid ay ka jiraan Musuq-maasuq , Handadaad,  Cod-gadasho iyo sed-bursi lagu sameeyay Beelaha qaar, oo Ergdooda la bedalay.

Tallaabadan kama aysan hadlin ilaa hadda Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM