Galmudug oo dhejisay kuraas doorashadooda isha lagu hayo

Image
Baraha bulshadda waxaa saacadihii lasoo dhaafay qabsadey warbixino kala duwan oo la xiriira kuraastan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT ee Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorasha 8 kursi oo ka mid ah 37 kursi ee doorashadoodu ka dhacayso maamulka Galmudug.

Kuraasta waxaa ka mid ah laba kursi oo doorashada si wayn loo hadal haayo waxa ayna kala yihiin HOP#147 iyo HOP#138 oo ay raadinayaan siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Labadan kursi waxaa hareeyay loolan iyo buuq badan. Baraha bulshadda waxaa saacadihii lasoo dhaafay qabsadey warbixino kala duwan. Hase ahaatee, macluumaadkaas ma jirto cid si madax-banaan u xaqiijin karta.

Kuraasta uu guddiga shaaciyay ayaa kala ah:

HOP#025: Waxaa ku fadhisa Naciimo Maxamed Gacal

HOP#147: Waxaa ku fadhiya Mahad Maxamed Salaad.

HOP#40: Waxaa ku fadhisa Nadiifo Faarax Jaamac

HOP#137: Waxaa ku fadhiya Saadaq Cabdikariin Xaaji Ibraahim

HOP#48: Waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Gaafow Maxamuud

HOP#138: Waxaa ku fadhiya Saciid Nuur Qeyliye (Giriish)

HOP#053: waxaa ku fadhiya Faarax Cabdi Xasan

HOP#081: Waxaa ku fadhisa Maryan Cariif Qaasin

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardar leh u socoto, waxaana qorshaha uu yahay in lasoo gabagabeeyo 25 bishan aynu ku jirno Febraayo ee sanadka 2022-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM