Galmudug oo ka falcelisay weerar laga soo wariyey Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maamulka Galmudug ayaa wuxuu gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay xalay weerar ku ekeeyeen fariisin ku dhow garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Axmed Shire Falagle, wasiirka warfaafinta maamulka Qoor-qoor oo u waramay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa waxba kama jiraan ku sifeeyay xogtaas ay faafiyeen warbaahinta ku hadasha afka argagixisada.

Mr Falagle oo ka jawaabay rasaas xalay laga maqlay duleedka magaala madaxda ayaa xusay in ay ahayd qoryo ay tijaabinayeen ciidanka.

"[Al-Shabaab] wararka baraha bulshada la geliyey ayay ka faa'iideysanayaan oo ay ku sheeganayaan ee ma jiraan wax dagaal ah oo halkaas ka dhacay," ayuu ku adkeystay wasiirka oo iska indhatiray xaqiiiqooyinka jira.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Falagle ayaa wararkaan ku sifeeyay "kuwa la doonayo in lagu sumcad dilo" maamulka curdunka ah ee Galmudug.

Dadka degaanka ayaa soo wariyey in Al-Shabaab ay xalay saqdii dhexe weerareen saldhig ay meel ku dhow garoonka diyaaradaha ku leeyihiin ciidamadda AMISOM isla markaana ay iska caabiyeen duulaankaas xooganaa.

Shalay oo Jimce ah ayay ahayd markii maleeyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida ay weerareen dadka degaanka Shabeellow; iska-hor-imaadkaas waxaa ku dhintey ku dhowaad 20 qof, 10-na way ku dhaawacmeen.

Dhacdooyinkaan liddiga ku ah nabad-gelyada ayaa kusoo hagaagaya iyaddoo bilooyinkii lasoo dhaafay ay isa soo tarayeen digniinaha la xiriira in Al-Shabaab ay qorsheyneyso in ay unugyo ku beerato magaalooyinka Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM