Galmudug oo ka hadashay weerarkii Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Maamul goboleedka Galmudug ayaa guulo ka sheegtay weerarkii tooska ahaa ee madaafiicda ku bilowday ee ay xalay Al-Shabaab ku ekeysay magaala madaxda Dhuusamareeb halkaasoo ay ku shirsan yihiin madaxda Soomaalida oo ka arrin-saneysa masiirka doorashooyinka dalka.

Axmed Macalin Fiqi, wasiirka amniga Galmudug oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa ka dhawaajiyey in maleyshiyada Al-Shabaab ay dooneysay in ay war ka dhigato in ay weerartay Dhuusamareeb oo ay ku kulansan yihiin hogaanka ugu sareeya dalka “balse iyaga ayaa warkii noqdey”.

Mr Fiqi ayaa tibaaxay in ciidamadda “oo muujiyey geesinimo” ay dileen tobanaan kamid ah dableydii weerarka madaafiicda ah ku qaadey Dhuusamareeb.

“Laba jeer bay isku dayeen in kooxahan khalkhalgelinta kawada guud ahaan Soomaaliya in ay madaafiic ku carqaladeeyaan amniga caasimadda Galmudug labadubana waxay la kulmeen dhabar-jab, waxayna u tahay fariin cad in aysan mar kale kusoo fududaan ama isku dayin,” ayuu hadalkiisa ku daray Fiqi.

Warbaahinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faafisay sawirada wax lagu sheegay dagaalameyaashii Al-Shabaab ee weeraray Dhuusamareeb iyo hubkii ay wateen oo isugu jira qoryaha laga gano hoobiyaha iyo kuwa daran-dooriga.

Sidda ay illo amni oo xog-ogaal ah u sheegeen warsidaha Garowe Online, saddex iyo tobban madaafiic ayaa ku dhacdey qaybo kala duwan oo Dhuusamareeb ah, waxaana ka dhashay khasaaraha ugu yaraan dhaawaca shan qof oo dad rayid ah.

Weerarka tooska ah ayay maleyshiyadda ku qaadey fariisin ay ciidamadda dowladda ku leeyihiin duleedka Dhuusamareeb halkaas oo dagaal uu ka dhacay. Marka laga yimaado guulaha Galmudug xustey, Al-Shabaab wali kama hadlin.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii weerar madaafiic ay Al-Shabaab ku qaadey Dhuusamareeb, waxaana ka dhashay dhaawaca ugu yaraan afar qof oo midkood uu yahay askari boolis. Si lamid ah, waxaa la sheegay in burbur maaliyadeed uu kasoo gaarey goobo ay degan yihiin shacab iyo mehrado ganacsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM