Maamulka Galmudug oo ka warbixiyey dhismaha dekadda Hobyo
GAALKACYO, Galmudug – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], ayaa shaaca ka qaadey in ay socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee dhismaha dekada magaalada Hobyo.
Qoor-qoor oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday magaaladda Gaalkacyo ayaa caddeeyay in aysan wali bilaaban dhismaha marsadda mana carabaabin waqtiga saxda ah ee la bilaabayo.
Intii uu hadalka jeedinta sameynayey, Qoor-qoor ayaa shaki geliyey cidda maalgelineysa mashruuca oo horey loo ogaadaa in uu jiray balanqaad ka imaadey dhanka dowladda Carbeed ee Qadar.
Isagoo kalsooni wayn ka muujiyey, Qoor-qoor ayaa carabka ku dhuftay in ay abaabuli doonan shacabka si ay uga qeyb-qaataan dhismaha dekadda Hobyo oo muhiim u noqoneyso kobaca dhaqaalaha.
"Dekadda Hobyo, furitaankeeda iyo dhismaheeda waa ku soconaa, waa u qalab-qaadanay. Dowlad iyo dad naga taageera waa dooneynaa hadii aan helno, sugi meyno laakiin," ayuu yiri. Wuxuu raaciyey: "Reer Galmudug, dadka Soomaaliyeed waa kuwa ugu firfircoon, uguna hanti badan".
Xoojinta kaabeyaasha dhaqalaaha, sugitaanka ammaanka magaalooyinka si gaar ah Gaalkacyo, dib-u-heshiisiinta, iyo siyaasad loo dhan yahay waa ajandayaasha waaweyn ee horyaala maamulka Qoor-qoor.
Madaxdii ka horeysay Qoor-qoor ee Galmudug soo maray ayaa fageereyaal badan ka sheegay in ay dhisayaan dekadan mana ku guuleysan.
Bishii July 23-keeda sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii madaxweyne Farmaajo oo mudda xileedkiisu uga harsan tahay bilooyinka uu dhagax dhigay dhismaha dekadda Hobyo, mana cadda dib-u-dhaca keentay.
GAROWE ONLINE