Galmudug oo laga helay kiiskii ugu horeeyay oo ah Covid-19

Image

GAALKACYO, Galmudug – Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in degaanadda Galmudug qofkii ugu horeeyay oo qaadey fayruska dilaaga ah ee Corona.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka oo warbaahinta kula hadashay Muqdisho, ayaa shaacisay in dheecaanka bukaanka laga soo diray koonfurta Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Intii uu socday shirka jaraa'id ma aysan kala caddeynin; haddii bukaanka uu ku sugan yahay magaaladda Muqdisho ama Gaalkacyo.

Balse, bukaanka cusub ayaa wuxuu kamid yahay 41 ruux oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xukuumadda dhexe ka heshay xanuunka.

Galmudug ayaa horey u xaqiijisay in ay gacanta ku hayso tobanaan shaqsi oo lagu tuhmay caabuqa isla markaana ay baartay.

Magaala madaxda Dhuusamareeb ayaa kamid ah meelaha ay ku sugan yihiin shaqsiyaadka loo karantiilay shakiga la xiriirka Covid-10.

Sikastaba ha ahaatee, Somaliland, HirShabelle iyo Puntland ayaa horey u shaaciyey kiisas la xiriira Coronavirus, waxaana muuqata in Koonfur Galbeed uu yahay maamulka kaliya ee ka caagan xanuunkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM