Galmudug oo u hanjabtay dadka "lacagta baada ah" siiya Al-Shabaab
DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaca ka qaadey in uu si adag ula macaamili doono shaqsiyaadka lacagta baadda ah siiya dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.
Axmed Macalin Fiqi, wasiirka amniga maamulkaas, ayaa ka dhawaajiyey in sharciga argagixiso la dirirka oo dhowaan ay soo saari doonan ku caddeyn doonan talaabooyinka laga qaadayo dadkaas.
Shaqsiyaadka lacagaha u uruuriya kooxda ayuu carabka ku dhuftay in ay ka tirsan yihiin qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiinta maxaliga ah.
Sidda laga soo xigtay wasiirka, Galmudug waxay u aqoonsan tahay dadka lacagaha siiya Al-Shabaab in ay kamid ay yihiin xubnaha xoogaga.
"Nimankan hadda Zako kaliya ma qaadaan waxooda waa baad; waligeedna lama arkin Zako la leeyahay soo horumariya saddex sano, afar sano; waxay ahayd fariinteydu ninkii caruurtaada dilayey ee ku qarxinayey yaan isku siin lacag; Zako hadaad bixineysid soo sii maamulkii amnigaagii iyo degaankaagii ka shaqeynayey; lacagta baada ah, wiilaan la garaneyn telefoonada dadka u soo diraya waliba dadka shirkadaha ka shaqeeya; si taas ay ka go'do, waana ka go'neynaa shirkadii siisa ama qofkii aan ku maqalno in uu Shabaab lacag siinayana waxba Shabaab kama duwana; qaraxa la sameynayo iyo baabuurta lacagtaasaa lagu soo gadayaa; sharciga argagixiso la dirirka waan soo wadnaa, sharcigaas ayayna ku qornaan doontaa," ayuu u sheegey BBC-da.
Galmudug ayaa kamid ah maamuladda qaar ee ka jira Soomaaliya oo qaybo kamid ah ay maamusho Al-Shabaab. Wasiir Fiqi tibaaxay "in ay xaaraan ku haystaan" wuxuu ku goodiyey in ay ka saari doonan.
Xilli uu ka dhawaajiyey in ay bilaabi doonan qaaditaanka canshuuraha si ay ugu maareeyaan arrimaha horyaala, Fiqi ayaa daboolka ka qaadey in ay tababar u furi doonan ku dhowaad kun ciidan oo bileys ah.
"Dekadaheena in ay noo shaqeeyaan ayaan rajeynaynaa si aan isugu filnaano, inta ka horeysa kaalmada caalamiga ah iyo canshuuraha aan uruurino," ayuu ku jawaabay markii wax laga waydiiyey halka ay dhaqaalaha uga keenayaan ciidamo boolis ah uu xusay in ay dhisaneyso Galmudug.
Galmudug waa mid kamid ah maamuladda ugu da'da yar ee ka jira Soomaaliya, waxaana dhismihiisa hareeyay khilaaf salka ku haya awood qeybsiga, taas oo caqabad ku noqotay horumarka degaanka iyo dadka.
GAROWE ONLINE