Garoon cusub oo kubadda cagta lagu dheelo oo Bosaso laga furey

Image
Image
Image
Image

April 16, 2015 (GO)- Magaalada Bosaso waxaa xalay laga furay xarun isboortis oo casri ah, taasoo ka kooban garoon kubadda cagta lagu dheelo iyo qayb GIM ah oo loogu talo galay jir dhiska.

Milkiilaha Xarunta Cayaaraha iyo Jimicsiga Jirka ee Puntland Fitness Center Cabdullaahi Sheekh oo ka hadlay munaasabadda furitaanka, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay ka mid tahay xarumo ay horay uga hirgaliyeen Puntland, xilli toddobaadkan garoon kan dhiggiisa ah ay ka fureen magaalada Garowe.

Cabdullaahi Sheekh ayaa sheegay in xarumahan loogu talo galay in qor loogu qaado Isdhexgalka bulshada iyo in dhallinyarada fursad loo siiyo goobo casri ah oo ay ku jimicsadaan waqtiyada firaaqada.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaaradda Dekedaha, Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe oo isagu garoonkan xarigga ka jaray ayaa soo dhoweeyay xarunta Puntland Fitness Center ee laga hirgaliyay Bosaso, wuxuuna Ganacsade Cabdullaahi Sheekh ugu hambalyeeyay hawsha uu u hayo bulshada iyo dadaalka uu ku bixiyo horumarinta ciyaaraha.

Cabdillaahi Aadan Ciise Toohe ayaa dhanka kale xusey in goobaha noocan oo kale ahi ay dhallinyarada ka mashquulinayaan tahriibka iyo waxkasta oo naftooda halis kara.

Cayaartii ugu horeysay ee xalay garoonkan cusub ka dhacdey ayaa dhex martey labo naadi oo ka kala tirsan bahda warbaahinta, waxaana labada naadi kala hoggaaminayey Axmed Jookar iyo Cismaan Turaabi Cayaarata oo ahayd mid aad u xiiso badan waxay guushu ku raacdey kooxdii uu hoggaaminayey Cismaan Turaabi oo iyadu ku guuleysatey 4-3.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM