Garoon ku yaala bartamaha Soomaaliya oo qarax lagu burburiyey

Image
Image
Image

BUULA BURTE, HirShabelle – Qaraxyo la sheegay in ay ahaayeen Miinooyin ayaa waxaa lagu waramay in saaka ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha magaaladda Buula-burde, gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyey in miinooyinka lagu aasay qeybta nasashada garoonka isla markaana aysan jirin khasaaro nafeed oo ka dhashay, marka laga reebo waxyeelo maaliyadeed oo aad u balaaran.

"Qaraxyadda oo jugtooda aad u culus waxay dhaceen aroornimadii saaka. Waxyeeladda waxay u badan tahay mid maaliyadeed, maadaama aysan waqtigaa cidba joogin qeybta nasashada," ayay yiraahdeen.

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujiyey burbur lixaad leh oo soo gaarey madaarka qeybtiisa nasashadda gaar ahaan saqafka sarre oo jiin-gad ahaa isla markaana uu u baahan dayactir baaxad weyn.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay weeraro kala duwan ka fulisay gobolka Hiiraan ayaana lagu eedeeyay falkaas.

Dhowr illo wareed oo dhanka amniga ah ayaa u sheegay Garowe Online in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay howlgal miino baaris ah ka sameeyeen aagaas si ay u hubiyaan hadii ay jiraan qaraxyo kale.

Bishii Maaj 15-keeda sanadkii 2014-kii ayay ahayd markii ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka ay dib ula wareegeen Buula-burde oo dhacda bartamaha Soomaaliya

Dhacdadaan ayaa imaaneysa xilli isla xalay weerar toos ah iyo mid hoobiyeyaal lagu ekeeyay saldhiga ciidamadda Itoobiya ee degaanka Halgan ee isla gobolka Hiiraan, wallow uusan caddeyn khasaaraha.

Maamulka HirShabelle ayaa sheegay in weeraradda isa soo taraya ee Al-Shabaab ka geysaneyso gobolka ay sabab u yihiin howlgalada ka socda Shabeellaha Hoose "maadaama ay kasoo fir-xadeen degaanadda gobolkaas".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM