Garoonka diyaaradaha ee fariisinka ugu qeyn Al-Shabaab oo la duqeeyay

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Diyaarado dagaal balse aan la ogaan wali halka laga leeyahay ayaa lagu waramay in saacadihii lasoo dhaafay ay duqeymo ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Jubada Dhexe.

Degaanada kala ah; Sariiraha, Jiira-garoob, Arabow iyo garoonka diyaaradaha Bu'aalle, fariisinka ugu weyn ee Al-Shabaab, ayaa lagu sheegay meelaha ay diyaaraduhu ku garaaceen gantaaladda.

Ma cadda illaa iyo haatan khasaaraha ka dhashay howlgalkaan. Jubbooyinka waxaa dhaqdhaqaaqyadda noocaan ah ka fuliya ciidamadda Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya iyo Kenya.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeyntaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay laamaha amniga Jubbaland iyo Al-Shabaab.

Dhinaca kale, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda ayaa la fahansan yahay in ay duleedka Bu'aale ku xayireen gaadiid ka baxay magaalada Muqdisho. Lama ogga sababta ka dambeysa talaabadan.

Al-Shabaab oo kusoo baraarugtay khatarta Coronavirus ayaa shalay shaacisay in ay Guddi u saartay. Magacaabida waxay timid markii dad ka yimid meelo laga helo cudurka ay tageen goobaha ay haystaan.

Cudurka Covid-19 ayaa heegan iyo go'doon geliyey dunida oo idil iyaddoo hoos u dhac weyn uu ku yimid dhaqaalihii taasoo ciriiri gelisay nolosha dad badan oo qaarkood ay ku nool wadamada horumaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM