Garowe Online oo bogaadineysa ibeddelka lagu sameeyey maamulka PLTV

Image

August 13, 2015 (GO)- Warbaahinta oo kamid ah awoodaha maanta dunida ka jira kuwooda ugu itaalka roon, waxay qayb weyn ka qaadan kartaa horumarka bulshooyinka, wax barista dadka iyo weliba hoga tusaaleynta hoggaanka dowladda.

Garowe Online oo qayb ka ah mareegaha ugu faca weyn uguna caansan kuwa ka jira Soomaaliya ayaa had iyo jeer diiradda saarta arrimaha ay tahay in la iftiimiyo si bulshada iyo dowladuba ugu baraarugaan islamarkaana looga qaato go'aanka ku haboon.

12kii bilood ee u dambeeyey, Garowe Online waxay si toos ah diiradda ugu haysey xaaladda PLTV oo ay lasoo deristey maamul xumo baahsan taas oo ragaadisey habsami u socodii shaqada telefishinka. Wxan dabagal ku sameyney soona bandhiney dhaliilo badan oo jirey anagoo raaciney talooyin ku saabsan sidii loo horumarin lahaa shaqada telefishinka.

Garowe Online ayaa dhowaan furtey buug cabasho ah kaas oo boqollaal qof saxiixeen iyagoo ka codsaday Madaxweyne Gaas in uu sida ugu dhaqsaha badan usoo farageliyo arinta telefishinka.

Madaxweynaha ayaa qaatey talooyinka loo soo jeediyey isagoo maanta Khamiis (August 13, 2015)  isbeddel ku sameeyey maamulka telefishinka xilkana ka qaadey agaasimihii hore ee PLTV Cabdifataax Nuur Ashkir. HALKAN KA AKHRISO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM