Gedo: Al-shabaab oo weerar ku qaadey xarun ciidan

Image

22 August, 2015 (GO)- Kooxda Al-shabaab oo weerar ku qaadday magaalo ku taalla xadka Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo oo lagu magacaabo Geriley ayaa waxay halkaasi ku dileen taliyihii ciidanka Soomaaliya ee deegaankaasi, oo lagu magacaabay Xawaadlow waxayna gubeen gaadiid kala duwan kahor intaysan isaga bixin deegaankaasi.

Goob joogayaasha waxay sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay abbaare 2.00 am ay  kooxo hubaysan weerar kusoo qaadeen Geriley, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kulul oo socday ilaa waabarigii , waxana halkaasi looga xoog roonaaday ciidankii dawladda ee halkaasi joogay.

Dablaydii soo weerar  tagtay ayaa halkaasi isaga baxday kadib markii halkaasi kala tageen gaadiid kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM