Gedo: Kenya oo duqeyn ku dishey dad rayid ah

Image

Iftiin Yuusuf Sheekh Isaaq oo ku sugan deegaanka Laan-qurac oo ka mid ah deegaannada ay duqeyntu ka dhacday ayaa VOA u sheegay in duqeyntaas ay ku dhaawacmeen labo qof, kuwaasoo u sugnaa ceel ay biyo ka dhaansanayeen.

Iftiin ayaa sheegay in deegaannada ay duqeyntu ka dhacday aysan ku sugneyn maleeshiyada Alshabaab, balse ay ku nool yihiin dad reer miyi ah.

Iftiin ayaa sheegay  in duqeyntaasi ay socotey muddo labo saacadood oo diyaaraduhu ay soo laabteen dhowr jeer.

Kenya ayaa dhowr jeer oo hore duqeymo ka fulisay tuulooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Gedo oo ay ku sheegtay in ay ku beegsanayso saldhigyo ay halkaasi ku leedahay maleeshiyada Alshabaab.  

XIGASHO: VOA

Related Articles

Xog cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Garoonka Muqdisho

Diyaaradda ayaa waxaa maamula ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah ciidamada Uganda (UPDF).

  • Soomaliya

    02-07-2025

  • 01:10PM

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM