Geelle: Hanaanka boobka ah waa kelitalisnimo la dhisayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Murashax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo adkeeyay in doorashooyinka soo aadan ay waqtigooda ugu dhacaan hab daahfuran ayaa kadigay boob doorasho taasoo sababi karta "kelitalisnimo".

Wasiirkii hore ee warfaafinta dowlada federaalka ah ayaa kamid ah murashaxiin tiradoodu tahay 12 kuwaas oo shir ay ku yeesheen Muqdisho kasoo saarey bayaan ay uga qaylo-dhaamiyeen guddiyada doorashadaee magacaaban.

"Maya gacan ka hadal, maya boob. Labadaas natiijo in ay meesha kabaxaan ayaan dooneynaa. Labashey waa khatar – kelitaslinimo miciyeysaneysa in dalka lagu siidaayo; waajibkaas waxaan u dayneynaa dowladda," ayuu yiri.

Daahir ayaa ku daray: "Hanaanka boobka ah waa kelitalisnimo la dhisayo, kelitalisnimo in la dhisana dalka dani ugu jirto – dhistaha dani uguma jirto, lagu kordhisanaha dani uguma jirto – marar badana waan sheegnay".

Safiirkii hore ee Soomaaliya ufadhiyey Sacuudi Carabiya oo Isniintii shalay war-fidiyeenka ugu waramay magaala madaxda Muqdisho ayaa xusuuiyey Farmaajo in uu horey u balanqaadey in uusan afar sano kale tartami doonin.

"Marabo madaxweynaheena in aan niraahno madaxweynow ma nasaneysid? laakiin warku kii waa ka gadisan-yahay. Intaas waxaa ka gadisan doorasho markaa u baahantahay in aad boobtid waa marka aad aaminsantahay dadka aad wax waydiisan rabtid aadan qanacsan karin marka ay xaqiiqadaadu ogaadaan ama aad la hadashid," ayuu tibaaxay Geelle.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa shaki laga qabaa in ay waqtigeeda ku qabsoomeyso maadaama la isku hayo guddiyadda maamulaya. Khilaafkan wuxuu dib-u-dhac ku keenay jadwalkii lagu madalsanaa muddo laba jeer ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM

Xamse: Saaxiibkay Laftagareen ma uusan rabin in taariikhdiisu ku dhammaato sida hadda dhacday

Khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa ah mid muujinaya cadaadiska ka jira nidaamka federaalka ee jilicsan.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:20PM