Geelle oo beeniyay warar laga faafiyey murashaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaliya – Murashax madaxweye Daahir Maxamuud Geelle ayaa gaashaanka u daruuray wararka sheegaya in ay ka shaqeynayaan rabshado hareeya doorashooyinka dalka kusoo fool leh 2020-21.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu doonayo in doorashooyinka soo aadan aysan noqon kuwa daahfuran.

Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyey dalka Sacuudi Carabiya ayaa si furan wuxuu ugu baaqay Farmaajo in uu ogolaado tartan doorasho oo aan la aqoon cidda kusoo baxeysa marka sanduuqa coddeynta la tago.

"Madaxweynenow waxa aad diidan tahay ma ahan in dagaal sokeeye lagu laabanayo waxa aad diidan tahay waa doorashooyinka aad ku timid in la qabto; doorashooyin xor iyo xalaal ah, qofka soo baxaya aan la garaneynin ayaad diidan tahay madaxweynow; madaxweynow arrinkaas ha diidin ogolow," ayuu ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Geelle ayaa ku tartarsiiyey Farmaajo in maamulkiisa "ka xishoodo wararka uu faafinayo ee ah in madaxweyneyaal hore, ra'iisul wasaare iyo wasiir lasoo shaqeeyay ay hurinayaan colaad".

"Dalkan dagaal iyo colaad uma rabno. Doorashooyin ayaan u rabnaa. Laakiin doorashooyinka aan rabnaa waxay kala tahay; asaga [Farmaajo] laba sanduuq oo midna afka u furan yahay midna afka u xiran yahay ayuu rabaa; annaguna midka isaga ku yimid oo kale ayaan rabnaa xataa hadii uu kusoo noqonayo waa go’aan baarlamaanka u yaala laakiin boobka uu wax kusoo dhaqay ayaan jooji leenahay," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dhawaqa Geelle ayaa kusoo hagaagaya xilli todobaadyadii lasoo dhaafay ay ciwaanada iyo baraha bulshadda haysteen aragti ay Villa Soomaaliya maalgelisay oo ah in murashaxiinta ay maleegayaan isku-dhaco ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM