Gen. Muxiyadiin "Madaxweyne Gaas ayaa caqabad ku ah wadahadalka" [DHEGEYSO]

Image

July 5, 2015 (GO)- Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa ka jawaabay hadalkii dhowaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ee ahaa in dowladdu wax wadahadal ah ka furi doonin xiisadda Qarxis, tan iyo inta ay isa soo dhiibayaan Gen. Muxiyadiin iyo ciidamada uu hoggaaminayo.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey warbaahinta Umad News ayuu ku sheegay in hadalkaasi yahay mid aan laga fiirsan, isagoo xusay in  dhankooda ay diyaar u yihiin wadahadal, si xal laga gaaro xiisadda taagan haseyeeshee dhanka dowladda caqabadi ka jirto gaar ahaan Madaxweynaha, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Madaxweynuhu mar walba isagaa waan-waanta diidanaa...anagu mar walba waxan jecelnahay inay wanaag wax ku dhamaadaan, ma dooneyno inay xabbad wax ku dhamaadaan waana kasoo hor jeednaa" ayuu yiri.

Mar la weydiiyey su'aal ahayd "Maxaa ka jira in adiga iyo Madaxweynuhu isku haysaan hubka soo wareeji iyo soo wareejin mayo?" Wuxuu ku jawaabay sidan: "Hubka anigu Madaxweynaha uma hayo, Madaxweynuhuna hubka maleh...hubku wax muran ku jira maaha dadkuna hub waa wada haystaa, cid gaar ah oo la leeyahay idinku hub ma heysan kartaanna wax dhici kara maaha" ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu ku celiyey in ujeedada ka dambeysa gadoodka ciidamadu ahayn inay dhibaateeyaan amniga iyo xasilloonida Puntland, haseyeeshee ay dalbanayaan xuquuqda ka maqan maadama ay yihiin ciidan qaran oo dalka usoo halgamey, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hadalka Gen. Muxiyadiin ayaa kusoo aadaya maalin kaddib markii uu natiijo la'aan kusoo dhammaaday kulan madaxtooyada Garowe ku dhex maray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo guddigii loo saaray dhex-dhexaadinta xiisadda Qarxis. HALKAN KA AKHRISO

Wararka Garowe Online heleyso ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku adkeystey in haba yareetee uusan wax wada-xaajood ah la geli doonin saraakiisha gadoodsan, isagoo ku wargeliyey xubnaha guddiga in sida keliya ee xal lagu gaari karaa ay tahay in Gen. Muxiyadiin iyo Cabdi-yare dowladda isu soo dhiibaan soona wareejiyaan hubka iyo ciidamada ay wataan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe: Xasan Sheekh wuxuu dib noo xasuusinayaa wixii dhacay 2013

Xiisadda hadda taagan waxaa laga digay inay dagaal dhaliso, maadaama labada dhinac ay Ciidan badan geeyeen Raaskambooni.

  • Soomaliya

    27-11-2024

  • 08:36AM

Dowladda Soomaaliya oo duulaan ku ah Kismaayo

Qorshaha weerarka Axmed Madoobe ayaa noqonaya midkii labaad tan iyo 2019, oo isku daydo dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 11:44AM