Go'aan Laga gaaray shirka golaha Kulmiye

Image

22 Octobar, 2015(GO)-Shir ay si wada jir ah xarunta xisbiga Kulmiye ee magaalda Hargeysa ugu yeesheen hoggaanka xisbiga iyo saddex musharax oo ka mid ah kuwa u tartamaya jagada madaxweyne ee xibiga dhexdiisa, ayaa lagu go’aamiyey qabashada shirka golaha dhexe ee xisbiga iyo waqtiga la qaban doono.

Kullanka oo ay goob jog ka ahaayeen xubnaha u tartamaya qabashada xilka madaxweynaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Maxamed Biixi Yoonis iyo Axmed Cabdi Kijaandhe iyo masuuliyiin kale oo labadan dhinac kala taageersan, ayay iskula garteen in hogaanka xisbiga iyo Axmed Xaaji Cali Cadami oo la taliye u ahaan doona ay ka shaqayn doonaan diyaarinta shirka golaha dhexe ee xisbiga oo lagu wado in uu qabsoomo 10-ka bisha November  kaasi oo lagu muransanaa.

Waxa kale oo ay musharaxiintani oo hadal jeediyay ay ka dhawaajiyeen in ay sadexdooduba diyaar u yihiin tartan xalaal ah. 

Talaabadan ayaa imanaysa kadib kulamo gooni gooni ah oo ay maanta dhinacyadani la yeesheen madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo oo shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Xiisada tartanka musharaxnimada ee xisbigan ayaa ahayd mid aad u kululayd maalmahan iyadoo dhinacyadani ay hadalo ay isku durayaan warbaahinta isku marinayey.

Shirka jaraa’id ayaa waxaa ka maqnaa Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna ka mid ah xubnaha u tartamaya musharaxnimada xisbiga Kulmiye.

Xigasho: VOA

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM