Go'aan laga soo saarey xaasaska dagaalameyaasha Al-Shabaab

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Maamulka magaalada Beledwayne ee hoostaga dowlad goboleedka HirShabelle ayaa si cad u sheegay in ay u ogol yihiin xubnaha Al-Shabaab in ay xaasaskooda ugu yimaadan xarunta gobolka Hiiran.

Cusmaan Dhicisow Dhuubow, gudoomiyaha Beledwayne oo u waramay idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho, ayaa qiil ka dhigtay in ay dagaalameyaasha kooxda ay qoysaskooda kula nool yihiin caasimada Soomaaliya.

Mr Dhuubow oo la waydiiyey sababta ay u amni ugu sheegayaan Beledwayne iyaddoo xubno Al-Shabaab ah ay xaasaskooda u imaanayaan ayaa wuxuu ku jawaabay "Meesha aad joogo [magaalada Muqdisho] amni miyaa?".

"Xamar maka fiicnoo amnigeeda," ayuu ku daray kahor inta uusan intaas sii raacin hadalkiisa: "[Magaaladda Beledwayne] ayaa amni ahaan ka fiican caasimada Muqdisho. Boqolaalka ay ku dhimanayaa maad ka hadashid?".

Markii wariyaha u sheegay in cid walba wax laga waydiinayo meesha ay joogto, gudoomiye Dhuubow ayaa dhufeesyada xijistay si uu isku difaaco.

"Gurigaaga ayay ku nool yihiin Shabaabka oo aan ognahay anagu in ay isku dhex-nool yihiin waad og-tahay Xamar ayay ku nool yihiin oo ay ilmo ku dhalaan," ayuu carabka ku dhuftay isagoo jilaya in uu yahay mas'uul xog ogaal ah.

Xilli la su'aalay hadii ay og-yihiin in ay Muqdisho xaaskooda ugu tagaan ay iyagana u ogolaanayaan magaalada Beledwayne ayuu si aan leex-leexad lahayn oo mas'uuliyad darro ah ku yiri: "Waan u ogolahay maxaa dhacay".

"Waxa idin geeyay ayaa noo geeyay, idinka waxa idin geeyay ayaa noo geeyay," ayuu kaga jawaabay su'aal ahayd ma tabartaa idin geysay?

Dhawaqa Cusmaan Dhicisow Dhuubow, gudoomiyaha Beledwayne, ayaa sawir cad ka bixinaya heerka ay mas'uuliyiinta maamulka HirShabelle qaarkood ka taagan yihiin la dagaalanka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Al-Shabaab oo joogitaan culus ku dhex leh magaalooyinka maamulka u hogaamiyo madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdi Waare ayaa howlgalo ka fulisa degaanadan waqtiga iyo saacada ay qorsheystaan.

Hadalka Dhuubow ayaa kusoo hagaagaya maalin kadib markii ay soo shaac-baxdey in ay sii daayeen xaasaska xubno Al-Shabaab ah kuwaasoo Beledwayne aargoosi ahaan loogu xiray markii kooxda afduubatay afada askari dowladeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM