Gobolka Banaadir oo loo ansixiyey in uu 13 xubin ku yeesho Aqalka Sarre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Shacabka ayaa "ansixiyey" in gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sarre. 142 xildhibaan ayaa ogol ku codaysay, 4 mudane ayaana diiday, ma jirto cid ka aamustay.

Xilli kulanka uu dib uga dhacay in uu furmo waqtigiisii saxda ahaa sabab ku aadan kooram la'aan, guddoonka Golaha Shacabka ayaa natiijadaas ku dhawaaqay kadib coddeyn gacan-taag ah.

Kulanka lagu meelmariyey hindisahaan oo kamid ah afar xeer doorasho oo khilaaf uu ka taagan yahay waxaa hareeyay buuq ay sameeyeen qaar kamid ah mudaneyaasha oo diidan in loo coddeeyo xeerka.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ay dibadda ka joogeen fadhigii maanta ee Aqalka Hoose.

Xildhibaanadda banaanka ka joogay kulanka ayaa shaaca ka dhigay in uusan dhameyn kooramka isla markaana lagu meelmariyey xeerka metelaada gobolka Banaadir xubno Xildhibaan oo aan tir-saneyn.

Dooda la xiriirta metelaada gobolka Banaadir ayaa taagneyd muddooyinkii lasoo dhaafay, iyaddoo mudaneyaasha kasoo horjeeda ay cuskanayeen in qaabka lagu raadinayo ay tahay mid aan dastuuri ahayn.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay gedaal ka riixeyso qorshahaas oo la fahansan yahay in uu qayb ka yahay ololaha coddeynta aan wali lagu heshiin ee loo qorsheeyay in ay dalka ka dhacdo 2020-21.

Madaxda maamulada ayaa horey u codsaday in la joojiyo dooda la xiriirta afar xeer doorasho ee kala ah; Asteynta kuraasta xeer-dejinta, metelaada gobolka Banaadir, gobolada waqooyi iyo qoondadada haweenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 02:00PM

Lugatoor: Beesha caalamka hal dollar kuma bixin dagaalka Puntland kula jirto ISIS

Waxa uu sidoo kale ammaanay kaalinta Soomaalida qurbaha, kuwaasoo uu sheegay inay bixiyeen malaayiin dollar si ay u taageeraan dagaalka.

  • Soomaliya

    05-05-2025

  • 01:46PM