Go'doominta Kismaayo oo holac kusii shiday xiisada Soomaaliya-Kenya
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxay u gudbisay cabasho ka dhan ah dhigeeda Kenya, sidda ay qoreyso warbaahinta maxaliga ah.
Ashtakadda oo loo gudbiyey Hay'adda Duulista Rayidka Aduunka ee ICAO ayaa ku saabsan in xukuumadda Nairobi ay "ku xadgudubtay" hawadda dalka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika.
Talaabadan ayaa ka dambeysay ka gedaal markii diyaarad ka diiwaan-geshan Kenya ay jebisay xayiraadda socdaalka tooska ah ee magaaladda Kismaayo, xarunta KMG-ka Jubbaland.
Diyaaradda oo 5-tii bishaan October ka degtay magaala madaxda gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa la socday siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnahaas ayaa la sheegay in ay ka qeybgalayaan caleema saarka Axmed Madoobe oo loo muddeeyay 26-ka September, balse dib uga dhacday sababo ku aadan "go'doomintaas".
Duulimaadyadda tegaya Kismaayo ayaa mar sii horeysay lagu amray in ay soo maraan Muqdisho, si loogu sameeyo hubin amni, wallow talaabadaas lagu sifeeyay "go’aan siyaasadeysan".
Villa Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa waxaa ka dhex-aloolsan xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa guusha Axmed Madoobe ee doorashadii August ka qabsoontay magaaladda dekadda leh ee Kismaayo.
Dowladda ayaa kadib doorashadda xirtay Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo laga qabtay garoonka Muqdisho. Inkasta oo maamulkiisa ku tilmaamay "afduub" hadana maxkamadeyntiisa ayaa bilaabatay todobaadkan.
Xurgufta ayaa u muuqaneysa in ay haatan dab kusii shideyso is-maandhaafka diblumaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho, taasi oo kolkii hore salka ku haysay dacwad hortaala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka.
Kiiskaas oo heer gabagabo ah maraya ayaa ku aadan xuduud badeed ku taala sohdinta labadda dal gaar ahaan goob 100 KM isku wareeg ah, halkaas oo hodan ku ah Shidaal iyo Gaaska naqaska ah.
Kenya ayaa codsatay in hal sano dib loo dhigo dhageysiga galkan. Dalabkaas oo ay kasoo horjeesatay xukuumadda federaalka ah waxaa lagu wadaa in ay ICJ go'aan kama dambeys ah laga soo saaro isbuucaan.
GAROWE ONLINE