Golaha Ammaanka oo ka gaabsaday khilaafka Soomaaliya & Itoobiya

Image
Dowladda ayaa wali wadda dadaallo ay kaga soo horjeedo heshiis beenaadkii Itoobiya-Somaliland.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku xalliyaan khilaafkooda Dalladaha urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in dawladda Itoobiya ay IGAD ka codsatay in la qabto shir deg-deg ah oo lagaga hadlayo khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya, iyo xaqiiqada heshiiska is-afgaradka ee ay la gashay Somaliland.

IGAD ayaan weli jawaab rasmi ah ka soo saarin Codsiga Itoobiya, sidoo kale golaha ammaanka ma uusan shaacin go’aamadii ka soo baxay shirkii 29-kii Janaayo ee ku saabsanaa ammaanka Afrika iyo muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ka codsatay inay qaadaan tallaabooyin deg deg ah oo ay kaga jawaabayaan heshiiska Itoobiya iyo maamulka Somaliland, iyadoo la cuskanayo qodobka 35-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali wadda dadaallo diblumaasiyadeed oo ay kaga soo horjeedo heshiis beenaadkii ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, inkastoo labada dhinacba ay qaboojiyeen hadallada ay is dhaafsanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM