Golaha Guurtida Somaliland oo xukuumadda Siilaanyo waqtiga u kordhiyey

Image
Image

May 11, 2015 (GO)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa oggolaadey dib u dhigista doorashada iyo muddo kororsiga ay sameysatey xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Guddi ka kooban 30 xubnood oo golaha dhexdiisa laga xuley ayaa soo saarey go'aamo dhowr ah, go'aamadaas oo isla maanta cod aqlabiyad leh lagu meel mariyey waxaa ugu muhiimsan in sanad iyo toban bilood loogu daray muddo xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada.

 

 

1-  Waxa muddo xileedkii Madaxwaynaha iyo ku xigeenka  Madaxwaynaha  oo ku eg  27/7/2015, lagu sammeeyay korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

2- Golaha Wakiiladda oo dhammaadka muddo xileedkoodu ku egyahay 27/7/2015, lagu sammeeyay muddo korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.

3– Muddo xileedka Golaha Guurtiddu wuxu  noqonayaa hal sano ka dib dhammaadka muddo xileedka Golaha wakiiladda oo noqonaya 27/4/2017.

4- Doorashada Maddaxtooyada iyo Golaha Wakiiladdu waxay qabsoomayaan isla hal wakhti, ahna bil ka hor dhammaadka muddo xileedka loo kordhiyay , oo waafaqsan qoddobadda 42aad iyo 83aad ee Dastuurka Somaliland.


Go'aanka Golaha Guurtida Somaliland ay waqtiga ugu kordhiyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  waxaa kasoo horjeestey mas'uuliyiinta Xisbiga Wadani, iyagoo ku tilmaamey tallaabo sharci darro ah oo aan sinaba loo aqbali karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM