Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo maanta ansixiyay heshiiska ku biirista EAC

Image
Heshiiskan ayaa waxaa ogolaatay 148-Xildhibaan waxaana diiday hal mudane.

Muqdisho, Soomaaliya - Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Abdullahi Omar Abshir (Abshirow) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 11-aad.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta Hindise-Sharciyeedka Hay'adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka, iyo heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka dalka ayaa ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Hay'adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, iyadoo 149-mudane ay ogolaadeen, hal wakiilna uu diiday.

Waxa ay sidoo kale ansixiyeen Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta Maareynta Deegaanka, waxaana ogolaatay 150-Xildhibaan mana jirin xildhibaano diiday ama ka aamusay.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa markii dambe ansixiyay heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana ogolaatay 148-Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM