Rooble oo soo bandhigay qodobada uu ahmiyada koowaad siinayo

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah oo fadhi gaar ah ku yeeshay xaruntooda magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa codka kalsoonida siiyey ra'iisul wasaaraha cusub ee waddanka.

Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka Aqalka Hoose oo ku dhawaaqay natiijada codka gacan taaga ah Xildhibaanada ayaa sheegay in ay ansixiyeen xubnihii fadhiga joogay oo dhan 215.

Maxamed Xuseen Rooble oo la magacaabay 17-kii bishaan September, 2020 ayaa wuxuu bedelayaa Xasan Cali Khayre kaasoo 25-kii bishii Julaayo ee isla sanadkan uu kalsoonida kala laabtey isla Aqalka Hoose.

Kahor meelmarinta, madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay Golaha ayaa ammaan ku rusheeyay Rooble.

Isagoo sheegay in looga baahan yahay in uu soo dhiso "xukuumad tayo leh" ayuu ku qeexay Maxamed Xuseen Rooble "muwaadin dhab ah oo uu ku aamini karo jagada" uu u dhiibay.

Qodobka 69aad, farqadiisa labaad ee dastuurka ku meelgaarka ah ayaa xeerinaya in Aqalka Hoose uu codka kalsoonida u qaado wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka marka uu madaxweynaha soo xusho.

Rooble oo sheegay in uu diirada saari doono ammaanka doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dowlad wanaaga, la dagaalanka musuqmaasuqa, dhab u heshiisiinta iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa xusay in uu soo dhisi doono xukuumad dalka ka samata bixisa mar-xalada uu ku jiro.

57-jirkan lku hadla luuqadaha Soomaaliga, English, Talyaani, Carabi iyo Swedish oo lagu dhex-dhaariyey isla golaha dhexdiisa ayaa ah Injineer 15-kii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeynayey dalka, isagoo ka tirsan hay'addo qaarkood hoostaga Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Farmaajo oo uga mahadnaqay sharci-dejiyeyaasha meelmarinta ra'iisul wasaarihiisa labaad tan iyo markii xilkan uu qabtay ayaa rajeeyay ay si aqlabiyad ah ku ogolaan doonan xukuumada uu soo dhiso.

Shaqooyinka ugu waaweyn ee horyaala Mr Rooble waxaa kamid ah dhaqan-gelinta heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka 2020-21 kaasoo ay Muqdisho ku kala saxiixdeen dowladda federaalka ah iyo maamulada dalka.

MUUQAALKA ROOBLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM