Golaha Shacabka oo meelmariyey xeerar ay qaadaceen maamulada
MUQDISHO, Soomaaliya – Mudaneyaasha Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cod wadar ogol ah ku meelmariyey Xeerka Kuraasta Gobolada Waqooyi.
Sidda uu ku dhawaaqay shir gudoonka fadhigii maanta oo ahaa Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, afhayeenka golaha, 167 Xildhibaan ayaa ogolaaday, 1 baa ka aamusay, wax diiday ma jirto.
Mursal oo meelmarinta kadib hadlay ayaa u mahadceliyey sharci-dejiyeyaasha, isagoo ku booriyey in ay sidaas oo kale u ansixiyaan xeerarka kale ee muhiimka u ah doorashooyinka 2020-21.
Shalay ayay ahayd markii mudaneyaasha ay meelmariyeen qoondada haweenka si gaar ah in kuraasta haweenka kaligood ku tartamaan, taas oo ay soo dhaweeyeen qaar kamid ah dumarka.
Dhanka kale, Xildhibaanada ayaa dood adag ka yeeshay Maqaamka Gobolka Banaadir iyo xubnaha uu ku yeelanayo Aqalka Sare.
Xeerarkaan ayaa kamid ah kuwa uu soo diyaariyey Guddiga labada aqal ee dalka u saarey diyaarinta shuruucda dhameystiraya sharciga weyn ee doorashooyinka, kaasoo qaadaceen saamileyda.
Maamul goboleedyadda ayaa si wadajir ah uga codsaday madaxweyne Farmaajo in uu ka shaqeeyo joojinta xeerarkaas illaa iyo ay ka kulmayaan madaxda dowladda iyo maamulada.
Beesha Caalamka oo ku adkeystay in habka lagu galayo doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 uu noqdo mid loo dhan yahay ayaa waxay cod dheer kaga digtay dib u dhac iyo muddo kororsi.
GAROWE ONLINE