Golaha wasiirada DF oo ansixyey xeerka qorista shaqaalaha shisheeyaha

Image

Muqdisho, 23, April, 2015...Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Dastuurka Mudane  Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray  Amniga guud ee dalka, iyo ansixinta hindise sharciyeed qeexaya dadka u imaanaya dalka inay ka shaqeeyaan iyo shuruudaha laga doonayo.

shirka golaha oo socday saacado badan ayaa waxaa maanta la horkeenay taliyeyaasha ciidamda, si wax looga weydiiyo xaaladaha amni ee dalka gaar ahaan caasimada iyo qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amaanka.

Golaha ayaa aad uga dooday arrimaha amaanka oo xukuumadda ugu jira mudnaanta koowaad, waxayna warbixino ka dhagaysteen taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida, iyo Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Hayadaha amniga ayaa ka warbixiyey sida ay habeen iyo maalin ciidanku diyaar ugu yihiin wax ka qabashada amniga, hadana ay dhici karto in nabad diidku ay gaystaan falal is qarxin ah oo ay la beegsanayaan dadka shacabka meelaha ay isugu yimaadaa. Sidoo kalana looga fadhiyo shacabka iney xiriir joogta la yeeshaan Hay'adaha amniga si wada jir looga qayb qaato ilaalinta nabad galayada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey dadaalka ay wado wasaaradiisa oo ku aadan isku dhafka ciidamada ku kala firirsan gobolada dalka, wuxuuna wasiirku sheegay in ay meel fiican maryso isla markaan ay ku rajo weyn yihiin in la helo ciidan qaran, wuxuu dhanka kale sheegay wasiirka Gaashaandhigu in ay ku howlan yihiin sidii ay ciidamda u xoojin lahaayeen looguna heli lahaa qalab dhamaystiran oo ay ku howl galaan.

Ugu danbayntii golaha wasiirada ayaa ka dooday hindise sharciyeed ay soo diyaarisay wasaarada shaqada iyo shaqaalaha oo ku saabsan shaqaalaha ajaanibta ah ee ka shaqeeya dalka, waxaana sharcigu farayaa dadka ajaanibta ah iney marka hore helaan dal ku gal, kadiba la siiyo ruqsad shaqo  iyo ineysan qaban karin  shaqo xirfadeed uu qof Soomaali ah uu qaban karo, dood dheer kadib golaha wasiirada ayaa meel mariyey sharcigaan, waxaana loo gudbin doonaa golaha Baarlamaanka.

---DHAMAAD---
 

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM