Golaha Wasiirada Puntland oo bogaadiyay gulufka ka dhanka ah ISIL

Image
Wuxuu Goluhu xoojiyey garab istaagga Ciidanka oo laga wada qeyb qaadanayo Dowlad iyo Shacabba.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland, oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud, Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Wax ka-beddelka Xeerka Tacliinta Sare iyo qodobbo kale.

Golaha Wasiirrada ayaa ku boggaadiyey Ciidanka Difaaca Puntland siday ugu jebiyeen argagixisadii ISIS/Daacish deegaanka dharjaalle, iyadoo uusan Argagixisada qofna ka laaban oo la laayey, dhammaantoodna ay Ajaanib ahaayeen.

Wuxuu Goluhu xoojiyey garab istaagga Ciidanka oo laga wada qeyb qaadanayo Dowlad iyo Shacabba, iyadoo ay jiraan Guddiyo ka shaqeynaya taakuleynta Ciidanka.

Dowladda Puntland waxay kujirtaa dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah, waad ogtihiin in xalay, Maraykanka sida laamahooda Amnigu sheegeen, in nin ka tirsan ISIS/Daacish weerar gaari ku dilay 15qof, sidaasi darteed waa dhacdo la mid ah hawlgalka dharjaale oo aynu argagixisada ISIS/Daacish ku jebinnay, waxay Puntland ku baaqaysaa in la iska kaashado oo loo midoobo dagaalka Argagixisada meel walba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM