Goodax Barre oo isku day dil ka badbaadey, Xildhibaano dhaawacmay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sii-haayaha wasiirka tacliinta Soomaaliya ayaa ka badbaadey miino la kacdey wafdi uu la socday xili ay kasoo laabanayeen booqasho ay maanta ku tageen dagmadda Luuq ee gobolka Gedo.

Laba mudane oo qeyb ka ahaa wafdiga Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen falkaas. Mas'uuliyiinta ayaa u booqdey gobolka si ay xariga uga jaraan mashaariicyo kala duwan.

Illo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in Goodax Barre ay soo gaareen "garaafo yar" isla markaana la filayo marka uu dib ugu soo laabto Muqdisho laga dhabiibo dhaawacyada.

Ismaaciil Oronjo, afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta oo falka xaqiijiyey in wafdiga uu kusoo wajahan yahay caasimadda, balse ma uusan carabaabin hadii ay dhulka kusoo safrayaan iyo in ay diyaarad soo qaateen.

"Kolonyo uu la socday Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa laga weeraray Qaranka Miino xilli ay kasoo laabanayeen booqasho uu maanta ku tagay Dagmada Luuq, Wasiirka @Godahbarre wuu ka badbaaday balse laba Xildhibaan ayaa dhaawacyo soo gaareen, hadana muqdisho ayay kusoo socdaan," ayuu yiri.

Hase ahaatee, warar kale ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu ku haleelay wafdiga inta u dhaxeysa magaalooyinka Doolow iyo Beled-xaawo ee gobolkaas hoostaga maamul goboleedka Jubbaland.

Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa dusha saartey mas'uuliyadda dhacdadaan, iyaddoo xusay in Goodax Barre uu si dirqi ah uga badbaadey shirqoolkaas ay doonayeen in ay ku khaarijiyeen.

Falalka liddiga ku ah ammaanka oo qaraxyadda kamid yihiin ayaa aad ugu soo badanaya waddanka oo wajahaya qalalaase siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo la xiriira arrimaha doorashooyinka nagu soo fool leh ee 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM