Guddi diyaariya doorashada wakiilada Somaliland oo la magacaabay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magacaabay guddi la sheegay in ay qaban-qaabin doonan doorashadda Xildhibaanadda goboladda waqooyi.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo soo saarey qoraal ku taariikheysan 1-da bisha October sanadkan 2020 ayaa soo bandhigay magacyadda todoba mas'uul kuwaasoo lix kamid ah yihiin Xildhibaano, midna Senator.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, sii-haayaha wasiirka maaliyada ahna mudane ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa gudoomiye u ah guddiga, halka uu ku xigeen u u yahay sharci-dejiye Maxamed Cumar Carte.

Marka laga reebo Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud Xayd oo xoghaye u ah guddiga, inta kale waa xubno "kuwaasoo la rajeeyay in ay fududeyn doonan howlaha loo idmaday" oo ah qabashada doorashooyinka.

Sidda uu xeerinayo heshiiska doorashooyinka 2020-21 ee 17-kii September ay Muqdisho ku kala saxiixdeen dowladda iyo maamuladda, wakiilada Somaliland waxaa lagu dooran doonan magaala madaxda Muqdisho.

Kuraasta gobolada waqooyi ee baarlamaanka federaalka ayaa horey loogu eedeeyay Villa Soomaaliya in ay maleegtay sidii ay u afduuban lahayd ayna kamid tahay qorshaha uu Farmaajo rabo in uu kusoo laabto.

Baarlamaanka haatan jooga ee dalka wuxuu waqtiga ka dhacayaa November, 2020 taasoo la macno ah in ay muddo xileedkooda dastuuriga ah ay uga hartay hal bilood loona baahan yahay in la dardargeliyo coddeynta.

QORAALKA AQALKA SARRE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM