Guddi farsamo oo cusub oo magaalada Cadaado looga dhawaaqey

Image

May 2, 2015 (GO)- Guddi cusub oo farsamo ayaa maanta looga dhawaaqey magaalada Cadaado, halkaasoo uu ka socdo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.

Guddigan oo kooban 35 xubnood waxaa si wadajir ah u ansixiyey labo kamid ah saxiixeyaashii heshiiska lagu dhisayo maamulkaas, kuwaasoo kala ah Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Dhowaan ayey ahayd markii la sheegay in lakala direy guddigii farsamda ee horay shirkaas u maamulayey, guddigaas waxaa hoggaamineysey gabar aqoonyahand ah oo lagu magacaabo Xaliimo Yarey.

Sababaha loo kala direy guddiga waxaa lagu sheegay inuu ku fashilmey gudashada waajibaadkii loo dhiibey iyo in qaar kamid ah xubnaha guddigu si toos ah ula safteen murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Guddiga Xaliimo Yarey hormuudka u tahay oo weli shaqadooda sii wata ayaa qaadacay kala dirista lagu sameeyey iyagoo ku tilmaamey mid aan sharci ahayn.

Lama oga saameynta ay arrintani ku yeelan doonto habsami u socodka shirka oo markiisii horeba la daalaa dhacay khilaaf muddo dheer soo jiitamayey iyo kala aragti duwanaan siyaasadeed oo baaxad leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM