Guddi heer wasiiro ah oo loo saarey qaadista xayiraada khaadka Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ganacsatada khaadka Kenya ayaa lagu waramay in ay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho u direen laba xubin oo iyaga ka tirsan si ay ugu ololeeyaan in xayiraada laga qaado maandooriyaha.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in saddex xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiiradda loo xil-saarey in ay kasoo talobixiyaan qaaditaanka xayiraadaha oo bishii Maaj loosoo rogay Covid-19.

Talaabadaan ayaa kusoo hagaageysa xilli dowladda federaalka ay ganacsatada khaadka maxaliga kala kulmeyso cadaadis xooggan.

Kooxaha u ololeeya mamnuucida khaadka ayaa doonaya in dowladda federaalka ay sii joogteyso in dalka aan lasoo gelin maandooriyaha.

Sidda laga soo xigtay kooxahaas, hadii mamnuucitaanka ay sii jirto, beeraleyda Kenya waxay ku qasbanaan doonan in ay khudaar kale beertaan halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen maandooriyahan halista badan.

Dhamaan arrimahaan oo ka dhacaya daaha gedaashiisa isla markaana xukuumadda xilka sii haysa aysan shacabka ka siineyn ayaa xoojinaya hadalheyn saacadihii lasoo dhaafay ka jirtay baraha bulshadda.

Warbaahinta Kenya ayaa Khamiistii waxay warisay in Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay meelmariyeen in xayiraada qaadka la laalo, hase ahaatee, ma jirin xaqiijin rasmi ah oo ka timid xukuumadda KMG ah.

Markii uu soo baxay warkaas, ciwaanada baraha bulshadda ee lagu taageero Villa Soomaaliya ayaa wariyey in madaxweyne Farmaajo uu farageliyey go'aanka Golaha Wasiiradda, uuna faray in dib loo dhigo.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in dowladda Soomaaliya ay waqti badan siineyso qadiyadaan iyaddoo ay dalka horyaaliin arrimo kale oo ka muhiimsan ayna kamid tahay nooca lagu galayo doorashooyinka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM