Guddi ka tirsan baarlamaanka oo warqad u diray Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo waxaa kusii kordhaya cadaadiska lagu saarayo in uu hor-yimaado dadweynaha isla markaana uu sharaxaad ka bixiyo ciidamadda ay sidda qarsoodiga ah ay dowladiisa tababarka ugu dirtey waddanka Eritrea.

Guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka federaalka ayaa kusoo biiray dhinacyadda ka dalbanaya madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo in uu kala caddeeyo masiirka wiilasha ay goobayaan waalidiintooda.

Sidda ku xusan qoraal uu guddiga u diray Madaxweyne Farmaajo, waxay doonayaan inuu u caddeeyo ciidamada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea tiradooda inta ay tahay iyo goorta ay ku soo noqonayaan dalkooda.

"Waxaa jirta cabasho guddiga ka soo gaartay waalidiin fara badan oo sheegay in carruurtooda ay la’yihiin ayna soo gaartay warar sheegaya inay ku dhinteen dagaaladii ka dhacay Gobolka Tigray," ayaa lagu yiri qoraalka guddiga oo muqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Sidaas darteeda, waxaan kaa codsaneynaa in aad cadeysid halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas tababarka loo qaaday lana xiriirisid waalidiintooda, waxaan kale oo aan kaa codsaneynaa in si degdeg ah loogu diro guddi dowladda iyo golaha shacabka ka kooban oo soo xaqiijiya noloshooda iyo geeridooda intaba".

Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo ah Guddoomiyaha Guddigan, kana mid ah Midowga Musharaxiinta, ayaa ku saxiixanaa qoraalkan ku taariikheysan 18-ka Janaayo sanadka 2021 taas oo la macno ah in uu soo baxay maalintii shalay oo Talaado ahayd.

Inkasta oo dowladda iska-fogeysay in askar Soomaali ah lagu dilay dagaaladii Tigray, haddana masoo hadal-qaadin in ay askar u dirtey Eritrea taas oo su'aal gelineysa beeninteeda isla markaana xoojineysa in xukuumadda dhankeeda ay talaabooyin dheeraad ah oo dadka ku rumeystaan.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM