Guddi loo magacaabay muranka xisbiga Kulmiye

Image

02 November, 2015(GO)-Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa goor dambe xalay ku dhawaaqay guddi loo xilsaaray muranka ka dhextaagan xisbiga talada haya Kulmiye.

Guddiga oo ka kooban shan xubnood ayaa kala ah;  xeer ilaaliyaha guud , wasiirka gaashaandhigga , Gudoomiyaha guddiga maamul wanaagga , Gudoomiyaha akaadheemiyada nabadda iyo horumarinta Somaliland  iyo agaasimaha maamulka ee guddiga la dagaallanka HIV AIDs.

Siilaanyo, ayaa sheegay in guddigani si madax bannaan u soo hubiyo waxii khalad ah ee ku jira liisaska xubnaha golaha dhexe iyo qaabka loo diiwaangeliyay.

Khilaafka xisbiga Kulmiye, ayaa ka dhashay saddex murashax oo iclaamiyay in shirka golaha dhexe ee 10-ka bishaan Hargeysa ka dhici doono uu u afduuban yahay Gudoomiyaha xisbiga oo isaguna murashax ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM