Guddi loo saarey xisaab xirkii afartii sano ee ugu dambeysay

Image
Xubnaha la magacaabay ayaa ka kooban 7 xubnood oo ah isku dhaf labada Aqal ee Baarlamaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga daba-galka iyo xaqiiqa raadinta xisaab xirkii 4-tii sano ee u dambeysay sanadada 2018, 2019, 2020 iyo 2021.

Xubnaha la magacaabay ayaa ka kooban 7 xubnood oo ah isku dhaf labada Aqal ee Baarlamaanka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre ayaa magacyadooda waxay kala yihiin.

1. Senator Cabdixakiin Macalin Axmed

2. Senator Siciid Cabdi Xuseen Cawke

3. Xildhibaan Saciid Maxamed Cali

4. Xildhiban Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene

5. Xildhiban Cbdirahman Cadde Caddow

6. Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi

7. Xildhibaan Cabdiqafaar Cilmi Xaange

Labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey Miisaaniyadda sanadkan 2022. Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa meelmarintan sameeyay kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay.

Miisaaniyadda Soomaaliya ee 2022-da oo Golaha Wasiiradda ay meelmariyeen bishii October ee sanadkii 2022-dii ayaa dhan $699.1 Milyan, waxaana kororka ugu badan uu ku yimid dhinacyadda ammaanka iyo arrimaha bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM