Guddi loo saarey Aaska Qaran ee wasiirkii waxbarashadda Jubbaland

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay guddiga qaban-qaabada Aaska Allah ha u Naxariistee Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Jubbaland, Macalin Maxamed Ibraahim.

Guddiga oo ka kooban todoba xubnood waxaa kamid ah; madaxweyne ku xigeenka labaad Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamed iyo qaar kamid ah xubnaha Golaha Xukuumadda maamulka Axmed Madoobe.

Marxuumka ayaa 8-dii bishaan Maaj wuxuu ku geeriyooday caasimada dalka Hindiya ee New Dehli, halkaas oo ku dhowaad shantii bilood ee lasoo dhaafay lagula tacaalayey xaaladiisa caafimaad.

Illaa iyo haatan lama shaacin xanuunka laga daaweynayey. Warbaahinta ku hadasha afka Jubbaland waxay warisay in maalmihii lasoo dhaafay ay xaaladiisa kasoo fiicnaaneysay.

Madaxtooyadda Jubbaland ayaa shaacisay in diyaarad qaas ah loo diray India si ay u soo qaado meydka marxuumka oo qorshuhu yahay in Aas Qaran loogu sameeyo magaaladda Kismaayo.

Diyaaradaas gaarka ah ayaa keeni doonta magaala madaxda Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo diyuurad kale oo qaas ah ay kasoo qaadi doonto si ay uga soo dejiso xarunta ku meelgaarka ah ee Jubbaland.

Marxuum Macalin Maxamed Ibraahim oo kamid ahaa aas-aasayaashii Jubbaland ayaa dhashay 1954-tii. Alle ha u naxariistee, waxbarashadiisa oo u badneyd dhanka barashadda Diinta ayuu ka bilaabay Muqdisho.

Hoos ka akhriso magacyadda xubnaha guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM